Hot Topics

Maxay udiideen Xildhibaanada PL Ee Xamar ka qaybgalka xil la wareegida Cali Gaab

Hadii Wasiirka “A” la siin lahaa Nin aan ahayn Aaran-shaydaan Deni,waxay ku ahaan lahayd loolan adag,sababtoo ah saamayn,ayuu ku yeelan lahaa .

Haatan Deni uma baahna in uu ka hawlgalo Cali iyo kooxda Xasan ,sababtoo ah,waxaa ku filan Shacabka oo aan la tusi karin Aaran iyo Xasan iswata.

Tusaale,waxaa loosoo qaadan karaa Xildhibaanadii Xamar ka joogay PL oo diiday in ay ka qaybgalaan Xafladii xil wareejintiisii.

Xildhibaanada oo aan qaar ka mid ah la xiriiray,waxay ii sheegeen in Cali uusan waxba xeerinayn oo si toos ah loogu adeegsanayo dhibaataynta PL kana talo diiday.

“Deni waa kasoo horjeednaa balse PL Dab in laga shido ma rabno”Ayay igu yiraahdeen ku dhawaad 10-Xildhibaan oo aan waraystay.

Cali mahaysto Hal Qof oo saamayn leh oo reer PL ah ,isala markaana kooxdiisa Aaran Dadku waa ka neceb yihiin Deni.

Talaabo kasta oo Aaran iyo Xasan iswata ay soo qaadaan,waxay taageero utahay oo umidaynaysaa reer PL Deni.

JQ.