Hot Topics

Roobab Mahiigaan ah oo khasaare baaxad leh gaarsiiyay Dubai

Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Imaaraatka Carabta,ayaa Arbacada Maanta ah nadiifinaya buburka ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo uu ku dhintay ugu yaraan hal Qof,islamarkaana waxyeello gaarsiiyey Guryo iyo Goobo Ganacsi.

Imaaraatka Carabta,ayaa waxaa ka da’ay roobab oo cabirkoodu ahaa 254 mm, sida ay sheegtay xarunta saadaasha hawada ee Qaranka.

Waxay ahaayeen Roobabkii ugu xoogganaa tan iyo markii la bilaabay diiwaan gelinta cabirka biyaha roobka 1949-kii, ka hor inta aan dalka la aas-aasin 1971-kii.

In kasta oo roobabkii mahiigaanka ahaa ay yareeyeen galabnimadii Talaadada, haddana arbushaadda ay sababeen ayaa sii socotay Arbacada, iyada oo diyaaradda Emirates ay hakisay duulimaadyada madaarka Dubai illaa saqda dhexe ee caawa.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai, oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka, ayaa sheegay in ay soo wajahday hakad weyn kadib markii roobabkii da’ay ay dib u dhigeen ama ay weeciyeen duulimaadyada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen shaqaalaha duulimaadyada9pl9