Hot Topics

Faallo:-PL uma baahna in ay ka jawaab celiso Shirka Xasan

Puntland in ay ka hadasho ka qaybgalka Shirka Xasan iclaansaday umaba baahna,sababtoo ah Sharciyadii Shir lagu wada qabsan lahaa meesha,ayuu ka baxay.

Dastuurkii lawada lahaa markii uu laalay Xasan,ayuu lumay maqaamkiisii karaameed ee Madaxweyne Qaran.

PL waxay ka qaadatay go’aan masiiriya,waxayna ka istaagtay banaanka oo waxay isticmaashay Qodobada Dastuurkeeda ufasaxaya in ay ismatasho.

Xamar waxa ka socda waxay hiil uyihiin rabitaanka Shacabka Puntland ee ah in muhiimada lasiiyo PL. (PUNTLAND FIRST).

Wadanka Somaliya,wuxuu noqday Sadex Jamhuuriyadood oo isbarbar yaala oo mid walba leedahay Dastuurkeeda.

Waxa ugu yar ee aan ka helayno kala taga Xamar,waa in aan dib uxisaabtano oo saxno waxii aan khaladnay ama tanaasulka aan laga fiirsan laga sameeyay.

Xamar waxba nagama jiraan ee aan isku tashano.

PL First.

JQ.