Hot Topics

Xasan oo ugolaaday Kenya in ay Shidaal ka qodato Bada lagu muransan yahay

Dhawaan,waxaa la saxiixi doona heshiis loogu ogolaan doono Kenya Dhul-badeedka u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya in ay ka baarato Shidaal ay Kenya xor u tahay,waxaana si dhameystiran u ogolaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Xoguhu,waxay xaqiijinayaan in Shirkado Kenyan ah ay qodayaan Shidaalka,isla markaana Ciidamada Kenya ee JL jooga ay ilaalin doonaan amaanka Shirkadahaas iyo Goobaha Shidaalka laga qodayo ee Badda.

Xasan,ayaa Saxiixa heshiiskan ku badashay Dhaqaale uu Saxiixa ku qaadanayo iyo Saami si gaar ah uu ugu yeelanayo wax soo saarka.

Waxaa la yaab leh Xasan oo diiday heshiiska Badda ee Itoobiya iyo Somaliland in uu ku dhiirado Saxiixa Badda Kenya ay ku haysato Somaliya.

Saxiixyada Xasan Shiikh ee Lacagta jooga,waxay meel fog gayn doonaan rajadii awalba yarayd ee Qaran Somaliyed soo celintiisa ahayd.

JQ.