Hot Topics

Deeq bixiyayaasha oo ufasaxay PL dhamaan mashaariicdii ka xayirnaa

Puntland,waxay ka heshay Deeq bixiyayaasha 16-kii Mashruuc ee ka xayirnaa in mudo ah oo ay siyaasadaysay Dowlada Sharciyada lumisay ee Villa Somaliya.

Kulanka ka qabsoomay Nayrobi,markii hore waxaa qorshaysnaa in MW Deni Shir Gudoomiyo,balse Roobabka ka da’ay Dubai,ayaa xayiray.

Wakiilada Beesha Caalamku si weyn ayay ula dhaceen dooda iyo qorshaha PL la timid Shirka.

Kulanku,wuxuu kusoo idlaaday isfahan iyo wada shaqayn buuxda in lawada yeesho.

15-kii Sano ee udanbeeyay Madaxweyne walba oo yimaada Villa Somaliya,wuxuu siyaasadeeyaa Mashaariicda horumarineed ee caalamku siiyo Somaliya qaybta kaga soo aada PL.

PL sababaha ku kalifaya in ay udhaqanto sidii Dowlad Madaxbanaan ayay ugu horeeyaan Siyaasadaynta Mashaariicda horumarineed ee Villa Somaliya.

JQ.