Hot Topics

Gudiga Doorashada Gudoonka Ururka MAP oo la xulay

Ergadii ka soo qaybgashay Shirweynaha 5-aad ee Puntland 22/04/2024, waxa ay Maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen Guddiga doorashada ee uu soo gudbiyay Guddoomiyihii hore ee MAP Maxamed Daahir Caynsane.

Xubnahaas oo ka koobnaa 5 xubnood oo kala ah:

1. Burhaan Axmed Daahir Guddoomiye,waa xoghayihii ugu horeeyay ee MAP iyo Macallin soo saaray inta Wariyaasaha PL oo sumcad fiican leh.

2. Faaduma Yaasiin Jaamac G. Ku xigeen,waa Agaasimihii Idaacadii Caanka ahayd ee Midnimo iyo Wariyaha VOA 10-kii Sano ee ugu danbeeyay oo leh khibrad 23-Sano oo Saxaafadeed aadna karaamo ugu dhex leh Bulshada Puntland.

3. Faarax Yuusuf Nuur Xoghaye,waa Rugacadaa Saxaafadeed oo khibrad leh.

4. Faysal Khaliif Barre Xubin,waa Gudoomiyihii hore ee MAP oo lagu xasuusto hogaamin qurxoon soona shaqeeyay xilli adag.

5. Khadar Cawl Ismaaciil Xubin,waa Agaasimaha guud ee Warbaahinta Daljir,waana Wariye macno leh.

Gudigan,ayaa qabanaya Doorasahada Gudoonka Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MA.

Waa Gudi ku filan qabasahada Doorasahadan MAP.

Doorashada Gudoonka,ayaa dhacaysa Maalinka Berri foog ah ee taariikhda ku beegan tahay 22-04-2024.

JQ.