Hot Topics

Ma dhabaa in la cayriyay Wakiilka Xoghayaha guud Ee Somaliya?

Lama badalin,isla markaana lama cayrin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Somaliya.

Heshiiska ay ku joogto Somaliya,wuxuu ku ekaa Sanadkii hore December,waxaana loo cusboonaysiin waayay shuruudo ay iyadu dalbatay awgood.

Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan,April Sanadkan ayay heshay heshiis cusub lamase xaqiijin karo in ay saxiixday.

Shuruudaha ay ku darsatay Shaqadeeda,waxaa ka mid ah in ay sii joogi karto Somaliya ilaa December Sanadkan 2024.

Waxa kaliya ee jira,waa heshiiska udhaxeeya iyada Qaramada Midoobey ee Shaqadeeda ku saabsan.

Shaqaalaha Somalida ee la shaqeeya,ayaa qaarkood oo ku xiran kooxda Nabad iyo Nolol,waxay bixiyeen xogo khaldan.