Hot Topics

Kusimaha Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeriddii Agaasimihii Maxjarada Dawladda Puntland

Garoowe, Arbaco 24 Abriil 2024, Madaxweyne Kuxigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timi Allaha u naxariistee Agaasimihii Maxjarada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

 

“Allah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Agaasimihii Maxjarada
Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Xasan ku
geeriyooday Boosaaso. Marxuumku wuxuu ahaa muwaadin u soo
adeegay dalkiisa iyo dadkiisa wakhti dheer.
Waxaan u tacsiyeeynaya shacabweynaha Puntland, Masuuliyiinta
Maxjarada Dowladda Puntland, Eheladii iyo qoyskii uu ka
geeriyooday, Allaah waxaan uga baryayaa in uu danbi dhaafo,
qoyskiisiina samir iyo iimaan kasiiyo Aamiin”

AUN. CABDIRISAAQ MAXAMED XASAN
H.E ILYAS OSMAN LUGATOOR

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland
Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda
Xafiiska Warfaafinta MDPL
PUNTLAND STATE HOUSE
Mediaoop@plstate.so