Hot Topics

Safaarada Turkiga Ee Muqdisho oo Markabkooda si ka duwan Dowlada Xasan uga hadashay

Dowlada Turkiga Safaaradeeda Muqdisho oo ka hadashay Markabka yimid Dekeda Muqdisho iyo Xafladii ka dhacday dushiisa,ayaa sheegtay in ay ahayd xuska iyo waynaynta Maalinta Caruurta iyo Xornimada Qaran ee Turkiga.

Halkaas,waxaa ku fashilmay sheegashadii DFS ee lumisay Sharciyada ee ahayd in Xaflada loo dhigay hirgelinta heshiiskii Amaanka Badda ee Turkiga lala galay.

Markabka Turkigu,waxa uu marayaa 23-Wadan,mid walbana waxaa laga samaynayaa munaasabad gaar ah,iyadoo ujeedka Turkigu yahay muujinta awoodooda Ciidamada Badda,gaar ahaan Markabkan oo ay dhawaan samaysteen.

Imaanshaha Markabkan ee Dekeda Muqdisho Turkigu dood buu ka galay,sababo amaan dartood markii dambe oo la go’aamiyay in lagu daro Dekeda Muqdisho Dekedaha uu marayo,waxaa kasoo hormaray Laba Markab oo yar-yar kuwaasoo la wareegay amaanka Dekeda.

Dekeda Muqdisho,waxaa laga saaray Maraakiibtii iyo Doonyihii Ganacsi,waxaana Shaqadii laga joojiyay Shaqaalihii.

Waxaa la yaab lahayd kuna ahayd bahdil Somalida in Xaflada Markabka dushiisa ka dhacaysay la keenay Warbaahintii Qaranka oo toos utabinaysay,isla markaana MW lumiyay Sharciyada uu ka qaybagalo,iyadoo Turkidu aysan xataa soo dirin Wasiir.

Ka qaybgalka Xafladaas lagu maamuusayay Maalinta Xornimada Qaran ee Turkiga,waxaa ku filnaa Wasiirka Gaashaandhiga ama Talyayaasha Ciidamada.

JQ.