Hot Topics

Dowlada iyo Ciidamada PSF oo markale Madaxa isla galay

Ciidamo PSF ah,ayaa gaaray Xaafuun,kuwaasoo fariisin ka samaystay Warshadii hore ee Cusbada.

Ciidanka gaaray Xaafuun,ayaa dhan 26-Gawaarida Gaashaaman iyo 150-Askari.

Ujeedka tagistooda Xaafuun,waxay ku salaysan tahay ka carqaladaynta qorshaha Saldhiga Milleteri ee Imaaraadku halkaas ka samaysanayo.

PSF waxay ka caraysan tahay ballanta uu uga baxay MW Deni ee ahayd in loo fasaxo si buuxda Mashruucoodii la shaqayanta Marayka ka.

Maalin ka hor ayay ahayd markii loo diiday Bosaso in ay yimaadaan wefti Maraykan ah oo iyaga usocday sida ay sheegteen.

Hogaamiyayaasha Ciidanka PSF,waxay si weyn uga cabanayayaan Sadex Nin oo Dowlada uxilsaartay Saldhiga Xaafuun iyo wada shaqaynta PSF,kuwaasoo kala ah…

1.Wasiir Liibaan Muuse Boqor.
2.Agaasime Cabdi Rabbi.
3.Ina Cabaade Nin lagu magacaabo.

PSF,waxay ogolaatay Sadex Shuruudood oo Dowladu ku xirtay oo kala ah…

B.In wufuuda u imaanaysa ay soo marto Dowlada.

T.In dhaqaalaha lagu soo shubo W.Maaliyada.

J.In ay toos uhoos yimaadaan Taliska Ciidamada.

Dhanka kale Deni,waxa uu Ciidamada PSF siiyay Laba Bilood oo Mushahaar ah tan iyo intii lagu heshiyay in ay toos uhoos yimaadaan Dowlada.

Sida muuqata Deni ma rabo in uu si dhamaystiran usii daayo Mashruuca PSF ee la Shaqaynta Maraykanka.

JQ.