Hot Topics

Dhismaha Saldhiga Milleteri Imaaraadka Ee Xaafuun oo la bilaabayo

Xaruntan waa halka loo diyaariyay in ay degaan koox shisheeye ah oo ka hawlgalaysa Xaafuun.

Kooxdan,ayaa iskugu jirta Maraykan iyo Imaaraatiyiin,waxayna Xaruntan ku taal Bosaso.

Dowlada Imaaraadka iyo Dowlada Puntland,ayaa kala saxiixday heshiis Saldhig Milleteri looga siinayo Imaaraadka Xaafuun.

Waxaa la filayaa kooxdaas in ay dhawaan si rasmi ah usoo degaan Xaruntan oo ay bilaabaan diyaarinta Saldhiga Xaafuun.

Imaaraadka oo ka leh Siyaasad fog Geeska Afrika,ayaa PL ka dhigtay halka uu kasoo galayo iyo Saldhigiisa Siyaasadeed.

JQ.