Hot Topics

Muqdisho: Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo la dilay

Muqdisho: May 3, 2024 Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, laguna magacaabo Aadan Cumar Axmed ‘Aadan Biit’ ayaa lagu soo warramayaa in koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ay goordhaweyd toogteen, sida ay ku warramayso warbaahinta caasimadda.

Aadan Biit ayaa lagu  dilay meel aan ka fogayn xarunta Iskool buluusiya ee magaalada Muqdisho.


Kooxda dishay sarkaalka ayaa ka baxsaday goobta, laamaha amaanka ee Banaadir ayaan wali ka hadlin dhacdadaan naxdinta leh.

Maalmihii u dambeeyay amaanka magaalada muqdisho ayaa gacanta kasii baxaya kadib markii Duqii magaalada muqdisho uu ku mashquulay iskusoo baxyo iyo kacaan walayn lagu taageerayo dastuurka cusub ee lagu muransan yahay ee uu Xasan Shiikh Maxamuud qortay.