Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐔𝐐𝐔𝐔𝐐𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐁𝐄𝐃-𝐐𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐌𝐔𝐇𝐀𝐀𝐉𝐈𝐑𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀.
    Puntland

    𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐔𝐐𝐔𝐔𝐐𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐁𝐄𝐃-𝐐𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐌𝐔𝐇𝐀𝐀𝐉𝐈𝐑𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, iyada oo tixtaacaysa qoraalka summaddiisu tahay 𝗫𝗪/𝗪𝗔𝗚/𝗙/𝗗/𝟬𝟬𝟲/𝟮𝟬𝟮𝟱, kuna taariikhaysan 𝗝𝗮𝗻𝘂𝗮𝗿𝘆 𝟮𝟱, 𝟮𝟬𝟮𝟱, kana soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, ujeeddadiisuna ahayd xakamaynta khataraha amni ee ajaaniibta ku nool ama sida joogtada ah usoo galaysa Puntland.

    Wasaaraddu, iyada oo ka duulaysa mabaadi’da sharci ee isu dheelli-tirka ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhawridda sharciyada u yaalla Puntland, waxay dadweynaha reer Puntland ugu baaqaysaa in ay mar walba si dhaw ula shaqeeyaan hay’adaha Puntland ee ku hawllan dhawridda nabad-gelyada bulshada iyo ku dhaqanka sharciga iyagoo ka waantoobaya wax walba oo xad-gudub ah ama sharciga baal-marsan in ay kula kacaan dadka aan muwaadiniinta ahayn ee Puntland ku nool.

    Waxaa xasuusin mudan, in Puntland ku dhisantahay sharci iyo kala dambayn ku salaysan mabaad’ida xaq-dhawridda nafta, hantida, karaamada iyo jiritaanka qof-ahaaneed ee dadka. Sidaas darteed, wasaaraddu waxay mar labaad ugu baaqaysaa dadka reer Puntland, in ay ka dheeraadaan fal walba oo sharciga baal-marsan, isla markaasna garab iyo gacan buuxda ka siiyaan hay’adaha ku shaqada leh in ay la xisaabtamaan cid walba oo bed-qabka iyo nabad-gelyada reer Puntland halis ku ah.

    Wasaaraddu, iyada oo kaashaynaysa bah-wadaagta kale ee Puntland, waxay ku hawllantahay in ay kala saarto dadka loo oggolyahay in ay waddanka ku joogaan sifo sharci ah iyo dadka sharci darrada ku joga Puntland si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda ama sharciga loo waafajiyo ciddii xad-gudub la timaadda.

    ▪︎▪︎▪︎FULIN WACAN▪︎▪︎▪︎

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.