Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka PL oo kulan yeeshay
    Puntland

    Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka PL oo kulan yeeshay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, September 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid,ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah.

    Fadhiga maanta,ayaa looga hadlay xaalka guud ee dalka, waxaana warbixin looga dhageystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, taasoo la xiriirta Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada iyo Horumarinta hannaanka shaqo ee Golaha Wakiillada.

    Fadhiga,ayaa intii uu socday waxaa sidoo kalena looga hadlay cabasho ka timi dadweynaha caasimadda Garoowe taasoo la xiriirta qiimaha biyaha sifaysan, waxaana loo saaray Guddiga gaar ah oo arrimahaas ka soo tallo-bixiya, iyo daraasad ugu soo sameeyaan cabashadaas warbixinna u soo gudbiyaan Guddiga Joogtada ah.

    Ugu dambeyn, waxaa guddiga joogta ah isla qaateen dar-dargelinta shaqada Guddiga Joogtada ah iyo in dabagal lagu sameeyo fulinta go’aamadii ka soo baxay kalfadhigii 54-aad ee Golaha Wakiillada.

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.