Hot Topics

Weerar khasaare gaystay ayaa goor dhawayd ka dhacaya Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan oo watay gaari ayaa goordhaw magaalada Muqdisho ku weerarray gaari ay la socdeen shaqaale katirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya, waxaana weerarkan ka dhashay Khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan Wararka ku helnay Weerarka ayaa ka dhacay Isgooska Folorenza ee Degmada Wardhiigley, kooxaha hubeesan ayaana rasaas ooda uga qaaday gaari ay la socdeen shaqaalo katirsan Wasaarada Maaliyada gaar ahaan kuwa canshuuraha ka qaada Degmooyinka gobolka.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay darawalkii waday gaariga la weeraray, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkan labo qof oo gaariga saarnaa iyo qof kale oo shacab ahaa oo ka agdhawaa halka uu ka dhacay weerarka.

Kooxihii weerarka geestay ayaa la sheegay in ay si deg deg ah uga baxsadeen halka ay weerarka ka geesteen, ciidamo katirsan diowlada oo gaaray Isgooska Folorenza ayaa howlgalo ka wada halkaas.