Hot Topics

Dhagayso:-Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray beelaha ku dagaalamay Galgaduud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.
 
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.
 
Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay,hoos ka dhagayso codka madaxweynaha.
Halkan ka dhagayso codka madaxweynaha