Hot Topics

Video:-Dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay deegaamada Somaliland

Dagaal laba beelood ku dhex maray degmada Ceel Af-weyn oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayey dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.
 
Sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falaay, dagaal beeleedkani waa mid mar kale ka soo cusboonaaday shalay oo ilaa fiidkii xalay khamiistii ka socday waxaana ku dhintay lix qof sideed iyo toban kalena ku dhaawacmeen.
 
Labada beelood oo wada dega degmada ceel afweyn ayaa hore ugu dagaallamay dhul ay isku hayaan dabayaaqadii sannadkii hore. Dagaalkani wuxu salka ku hayaa dhul daaqsimeed ay isku hayaan labada beelood.
 
Labadan beelood ee diriraya ayaa dabayaaqadii sannadkii hore la heshiisiiyey, hase ahaatee waxa wararka qaar sheegayaa in waxyaabaha dagaalkan hadda dhaliyey ay ka mid yihiin labada dhinac midkood oo aan sidii lagu heshiiyey u fulinin shuruudaha heshiiskii hore oo ay ka mid ahaayeen in magta dadkii dhintay lagu kala qaato wakhti cayiman soo sida muuqata haatan muddo dhaafay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka