Hot Topics

Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dawlada Fadaraalka oo dhaliil badan loosoo jeediyay

Arday tiradoodu gaareyso 2883 arday ayaa ku dhacday halka ay ku baaseen arday gaareysa 15, 356 imtixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaaday ardayda dugsiyada sare ee Bartamaha iyo Koonfurta Dalka sanad dugsiyeedka 2016/2017.
 
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka ku baaseen 15, 356oo arday,
 
“Tirada imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15,356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.
 
“23,000 waxa ay ahayd intii is diiwaangelisay, balse waxaa sanadkan imtixaanka u fadhiistay 18,239 arday, inta kale waa ay u suurta geli weysay inay imtixaanka galaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya.
 
Tobanka ardey ee kaalimaha hore ka galay Imtaxaanka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa Dowladda fadaraalka Somaliya siisay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah sida uu sheegay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuled (Khader).
 
“Tobanka arday ee ugu sareysay waxa ay dowladda siineysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba cuntada, tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.
 
Hadaba imtixaankan shahaadiga ahaa ee ay Dawlada Fadaraalku qaaday ayaa loosoo jeediyay dhaliil fara badan,taasoo ka imaanaysa dhinacyada maamulka,hufnaanta oo musqmaasuq baaxad leh ayaa aafeeyay iyo tayada imtixaanka oo aad u hoosaysay
 
 
Puntland ayaan iyadu qayb ka ahayn imtixaankna ay qaaday Dawlada Fadaraalka,waxay kloo Puntland ka hor timid shahaadada Dugsiyada sare ee ay bixiso Dawlada Fadaraalka.
 
Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa aad uga horaysa markii laga eego dhinacayada tayada waxbarashada,macalamiinta,hab maamulka waxbarashada,khibrada,Wasaarada waxbarashada fadaraalka,iyadoo lagu tilmaamo wasaarada waxbarashada Puntland mida ugu tayada saraysa wasaaradaha waxbarashada ee guud ahaan Soomaaliya.
 
Puntland ayaa sanad walba waxaa ku baasa ama ka gudba Imtixaanka sanadlaha ah ee shahaadiga ah Arday gaaraysa Afar kun,sidoo kale waxay dawlada Puntland deeq waxbarasho dibada ugu dirtaa in ka badan 300 oo Arday sanad walba.
Halkan akhriso Tobka Arday ee la sheegay in ay ugu saraysay