Hot Topics

Bulshada Puntland waa same jeclayaal aan wali helin hogaankii kufkooda ahaa!!

Majirto Deegaan Somaliya ka mid ah oo aan lahayn Gole Xukuumadeed oo hadana wax walba sidii la rabay ay u shaqaynayaan aan ka ahayn Puntland.
 
Waa waxaan la dhayalsan karin isbadalka Puntland ka dhacay ee Baarlamaanku kalsoonidii kala laabtay guud ahaan Golihii Wasiirada,isla markaana aysan deero deero u hardin nidaamkuna sidisii u shaqaynayo.
 
Waa muuqaal muujinaya bisaylka iyo nidaam jacaylka shacabka Puntland.
 
Bulshada Puntland waa same jeclayaal u taagan horumar oo ay ka go’an tahay in uusan ka burburin ama dib u dhac uga dhicin nidaamka u dhisan.
 
Waa bulsho jecel xasiloonida.
Waa bulsho jecel nidaamka.
Waa bulsho waaqiga ku nool.
Waa bulsho bisil oo u badan dad caqli u saaxiib ah.
Waa buslho tanaasul iyo dulqaad badan.
Waa bulsho haday hogaan fiican helaan la hogaamin karo.
Waa bulsho ay ku weyn tahay soo laabashada Qaranimadu.
 
Si walba oo xaalku yahay shacabka Puntland maanta waa ildaran yihiin ,waxaana ka muuqata diif uga timid hogaan xumo.
 
Hogaamiyaha xiligan ee Puntland Madaxweyne Gaas waa Nin lagu tuhmayo Aqoon sare,han badana looga qabay waxqabad iyo wax ka badalid nolsoha bulshada reer Puntland,nasiib daro taasi ma dhicin afar sano kadib Aqoonyaankii loo hanwaynaa waxuu ku dhaw yahay in uu isagu is casilo ama la casilo hogaan xumo darteed.
 
Way dhacdaa balse looma hakanayo Bulshada Puntland way heli doonaan hogaamiye istaahila oo u noqda halyeey taariikhda gala.
 
Dawladnimada Puntland ha xoogaysato..
 
 
Jibril Qoobey.