Hot Topics

Siyaasi Siciid Deni oo ay ku cadaatay inuu lahaa Hubkii Bosaso lagu qabtay .

Xogo dheeriya oo laga helayo Madaxtooyadda Puntland iyo Saraakiisha Hay,addaha Amniga ayaa sheegaya inuu lahaa Siyaasi Siciid Cabdulaahi Deni hubkii maalmo ka hor ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ku qabteen deegaanka Mareero oo 9 KM u jirta magaalada Bosaso dooni kasoo socdaashay dalka Yemen.
 
Siciid Cabdulaahi Deni oo ka mid ahaa musharaxiintii looga guulaystay doorashadii Villa Somalia ayaa intii ka dambeysay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo loogu gogol xaarayo doorashada 2019 ee Puntland bilaabay xilli uu saldhig ka samaystay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (Dubia) waxaana wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland iyo Saraakiisha Amniga sheegayaan inay u socotay doon ay saaran yihiin 90 qori oo isugu jira hubka fudud iyo midka culus ka dib markey qabteen ciidamada Puntland maalmo ka hor doontaas.
 
WAKIILKA HUBKII LA QABTAY.
 
Ganacsade caan ka ah gudaha magaalada Bosaso oo lagu naaneyso Indhoolka ayaa wararku sheegayaan inuu wakiil uga ahaa Siciid Deni soo iibinta hubkaan, Iyadoona ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu Ganacsade Indhoolka sidaas u cadeeyay Madaxda Puntland ka dib markii laga dalbadey inay Dowladu kala wareegto hubkaan islamarkaana loo celiyo wixii kharash ah.
 
Ganacsade Indhoolka oo sida wararku sheegayaan xiriir wanaagsan horey ula wadaagay Saraakiisha iyo Madaxda Puntland Islamarkaana ahaa shaqsi inta badan hubka uga soo iibin jiray Dalka Yemen ayaa ku dooday inay jirto balan iyo heshiis dhexmarey isaga iyo Siyaasi Siciid Cabdulaahi Deni oo billo ka hor ku aaminay lacagta hubka laga soo bixiyay, Isagoona ka codsadey madaxda Puntland in loo tixgaliyo xiriirkii horre ee u dhaxeeyay isaga iyo Dowlada.
 
Wada hadal saacado badan qaatay iyo dood dheer ka dib oo u dhaxaysay Ganacsade Indhoolka iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Taliyaha Ciidamada Puntland Gen Siciid Dheere oo hadda ku sugan Bosaso iyo Saraakiil kale waxaa lagu wargaliyay Ganacsade Indhoolka oo ah shaqsi ka ganacsada hubka laga keeno dalka Yemen in loo celiyo kharashkii iyo lacagtii lagu soo iibiyay hubka,sidaasna ay Dowlada Puntland kula wareegto hubkaan oo ka koobnaa tirada 92 qori oo isugu jira BKM,AK47,Dhashiike iyo Shilkayaal.
 
Isku soo wada duuboo lama oga sababta xilligaan oo muddo badan ka dhiman tahay doorashada Puntland ee 2019 ku kaliftay Siyaasi Siciid Deni inuu hub tiro badan kasoo iibsado dalka Yemen,balse dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa ku fasiraya in arrintani muujinayso khilaaf qoto dheer oo u dhaxeeya Siciid Deni iyo Hogaanka ugu sareeya Xukuumadda Puntland.