Video:-Amaanka Mudug oo maanta shir laga yeeshay

Gudiga Nabad Galyada ee gobolka Mudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo waxay uga hadleen xaalada Amni ee gobolka Mudug iyo Colaadaha kasoo cusboonaaday dhanka Miyiga.

Kulankii gudiga Maanta ayaa laga soo saaray 4 Qodob oo dhamaan salka ku hayey sidii looga shaqayn lahaa nabad galyada gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in laga wadda hadlay sidii loo adkayn lahaa nabad Galyada gobolka isla markaana Xassan wuxuu sheegay in laga wadda hadlay hadalada ay saxaafadu sii daynayso ee nabad galyada wax u dhimaya iyagoo ku baaqay inay joojiyaan.

 

Qodobada shirkii maanta kasoo baxay ayaa u qornaa sidan.

  • In la sii wado heshiiskii iyo wadahadalkii nabaddeed ee horey u socday
  • Guddiyadii Nabadgelyada in lasoo nooleeyo oo ay shaqadoodii sii wadaan
  • Ciidanka isku dhafka ah inuu shaqeeyo oo shaqadii loo xilsaaray qabtaan
  • In ka hadalka saxaafadda loo adeegsado wax dadka anfacaya ee aan wax dhib ah laga sheegin

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka