Hot Topics

Video:-Hawlgaldii amniga Bosaso lagu xaqiijinayay oo guul laga gaaray

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland Axmed Cabullaahi Yuusuf Dawladd oo maanta shir jaraa,iid qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howgalo ciidamada Amaanku ka bilaabeen magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu baadi goobayo Hubka aan sharciga aheyn ee shacabka lagu dhex haysto.

Goobaha Ganacsi iyo Hay’adaha ayuu wasiirku ugu baaqay inay sharciyeystaan hubka ay hantidooda ku ilaashanayaan si loo hayo diiwaanka saxda ee hubka ka baxsan gacanta dawladda.
 
Sidoo kale wuxuu shacabka u sheegay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf Dawlad wixii ka weyn qoriga loo yaqaano AK 47 inaan loo ogolaanayn inay gacanta ay ku haystaan oo ay isticmaalaan .
 
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor lagu qabtay dooni hub sida xeebta Mareera oo 9 Km u jirta Bosas,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Hakan ka daawo muuqaalka