Hot Topics

Maraykanka oo ciidamo horleh usoo diraya soomaaliya (Xog )

Dowladda Mareykanka ayaa si ayaa si aan la dareemi karin ciidamo ugu daabulaysa soomaliya ,waxayna kordhineysaa tirada ciidamadii horay uga joogay soomaaliya sida uu daabacay wargeyska Politico ee kasoo baxa Washington DC.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanadkan Mareykanka uu laba jibaaray tirada ciidamadii ka joogay Soomaaliya, oo uu gaarsiiyey 500 oo askari.

Pentagon-ka ayaa sidoo kale ciidamada howlgallada gaarka ah ku daad gureynaya Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka, sida saraakiil ay u sheegeen wargayska Politico.

Waa ciidamadii ugu badnaa ee Mareykan ah ee jooga Soomaaliya, tan iyo dhacdadii Black Hawk Down ee saanddii 1993-kii lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa waxa ay hadda laba xarun oo milatari ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxayna kordhiyeen duqeymaha ka dhanka ah kooxda shabaab.

“Waxay noo tahay muhiim inaan ciidamo kooban oo dhulka ah gayno Soomaaliya, si aan u caawiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Gen. Don Bolduc, oo horey madax uga ahaa ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa beddelaya siyaasaddii hore ee ahayd in duqeymo cirka oo kaliya lagu beegsado xagjiriinta Soomaaliya.

Idilnes.com

Xafiiska Garoowe