Weriye Cumar dheere oo lagu xiray magaalada Boosaaso .

Weriye Cumar Siciid Maxamed  oo ka mid ahaa hawl wadeenada Telefishanka Somali Cable ayaa maanta lagu xiraya magaalada boosaaso.

 

Weriye Cumar Dheere ayaa sheegay inuu xiray  gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo ayaa sheegay in waaran Maxkamadeed uu ka yaalo maxkamadda weriye Cumar Dheere sidaana lagu xiray. Weli dowladu ma faah faahin wax lagu eedeeyey suxufiga.

Cumar dheere ayaa horay loo xiray bishii August ee sanadkan kadib markii lagu eedeeyey inuu qoray warar lidi ku ah dawladda puntland .