Hot Topics

DEG DEG – Ciidamada Australia oo qabtay nin maleegayay falal liddi ku ah Amniga (Daawo)

Ciiddanka Ammaanka Dalka  Australi ayaa sheegay inay shalay gacanta ku dhigeen 20- jir dhalashada wadankaasi haysta, asal ahaana ka soo jeeda Somalia, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu weerar geysan rabay, xilliga lagu guda-jiro dabaal-degga sannadka cusub ee Milaadiga ee 2018-ka.

Shabakadda Wararka Australia The Eepoch ayaa manta qortay in eedeysanaha shalay lagu qabtay degaanka Werribee ee galbeedka magaalladda Melbourne. HALKAN KA AKHRISO.

Taliye-xigeenka ciidamada Birmadka Gobalka Victoria, Shane Patton ayaa u sheegay Warbaahinta inay qabteen nin Muslim ah oo ay waalidkiisu Somali yihiin, kaasi oo ay ciiddan ka tirsan Police-ka la-dagaalanka Argagixisadda su’aalo weydiinayaan.

Shane, wuxuu cadeeyay in shaqsigan uu dononayay inuu wayeelo ka gaysto fagaaraha Federation Square oo lagu qaban doono dabaal-dega sanadka cusub ee 2018, balse wuxuu xusay inay baaritaan adag ku samayn doonaan.

DAAWO MUQAALKA EEDAYSANAHA.