Hot Topics

DEG DEG – Kenyatta oo la dhaariyay iyo Netanyahu oo khudbad ka jeedin doona Kasarani.

Nairobi – Markii labaad ayaa loo dhaariyay talada dalka Kenya Madaxwayne Uhuru Kenyatta, halka ku xigeenkiisa loo raadiyay William Ruto, iyadoona weli ay socoto xafladda caleema saarka, isla markaana ay ka qayb-galeen in ka badan 10 hoggaamiye oo African u badan.

War-qoraala oo ka soo baxay madaxtooyada Isra’iil ayaa waxaa lagu sheegay in Benjamin Netanyahu uu khudbad ka jeedin doono munaasabdda Caleema saarka Kenyatta, ka dibna waxaa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda dowladaha ka qeyb-galaya xafladda.

Netanyahu ayaa dhankiisa saakay warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka soo duulin Tel Aviv waxaa uuna yiri “Africa waa markii sadexaad oo aan booqdo muddo halsano iyo bar gudahood ah, waxaan halkaasi kula kulmi doonaan Madaxweynaha Kenya, sidoo kale waxaan la kulmi doonaa toban hogaamiye oo qaaradda Africa ah”.

Netanyahu isaga oo sii hadlaya ayaa waxuu yiri “ Waxaa naga go’an inaan si qoto dheer aan xariir ula yeelano qaaradda Africa, annaga oo xariir la sameyneyno dowladaha aanu naga dhaxeynin wax xiriir diblomaasiyadeed ah”

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay safaarad cusub ay ka furan doonaan mid ka mida dowladaha Afrika balse ma uusan sheegin magaceeda.

TOOS U DAAWO XAFLADDA CALEEMA SAARKA.