Hot Topics

DEG DEG – Ciidamada Kenya oo ka hortgay dad khasab ku gali-rabay Kasarani (Sawirro)

Nairobi – Police-ka dalkaasi  Kenya ayaa la sheegay inay adeegsadeen sunta dadka ka ilmiyeysiisa, isku-day ay ku doonayeen inay ku xakameeyaan kumanaan qof oo isku dayey inay  xoog ku galaan garoonka ciyaaraha Kasaraani oo ay ka dhacayso munaasabadda lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Taageerayaasha hoogamiyaha Mucaarka Raila Odinga, ayay Police-ka Kenya u adeegsadeen sugta ka ilmaysiisa dadka, si ay u kala eryaan shacabka banan-baxa samaynayay, oo sidoo kale qorsheynayay inay kulan kale qabsadaan, balse laga horjoogsaday inay gaaraan goobta ay ku shiri lahaayeen.

Gawaarida gaashaaman oo ay leeyihii ciidamada Police-ka Kenya ayaa sidoo kale la geeyay afaafka hore ee dhismo uu deggan yahay xildhibaan ka tirsan mucaaradka isbahaysiga NASA.

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo madaxda iyo taageerayaasha isbahaysiga NASA doonayaan inay munaasabad baroor-diiq ah ku dhigtaan dhulka Jacarand ee Embakasi.

Sawiro:-