Hot Topics

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaalkii ugu ridada dheeraa.

Xukuumada Kim Jong Un ee Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal ballistic ah, markii ugu horraysay tan iyo bartamihii bishii Sebtembar, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Koonfurta Kuuriya, Japan iyo Maraykanka.

Saraakiisha Miletry-ga Kuuriyada Koonfured oo la hadlay wakaaladda wararka ee South Korea Yonhap ayaa sheegay in gantaal aan la aqoonsan uu dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo tuuray mel u dhaw magaalada Pyongyang, mana jirin wax hadal ah oo ka yimid North Korea.

Itsunori Onodera Wasiirka Difaaca Japan ayaa sheegay in gantaalka uu gaaray heer sare oo lagu qiyaastii 4,000Km,  iyadoona uu burburay ka hor inta uusan kusoo dhicin badda Japan.

Wasiirka Difaaca Dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa cadeeyay in gantaalka uu ahaa midkii ugu ridada  dheera abid, wuxuuna tilmaamay tallaabadaasi inay muujineyso in Kuuriyada Waqooyi ay weli wado tallaabooyin ay ku horumarineyso awoodda gantaaladeeda oo halis ku ah meel kasta oo adduunka.