Hot Topics

DEG DEG – Puntland oo ciidan ku wareejisay Dowladda Somalia (Daawo)

Garowe- Dowladda Puntland ayaa manta waxay Dowladda Federalka Somalia ku wareejisay ciidan tiradoodu gaarayso 2,400 [ Laba Kun iyo Afar Boqol],  kuwaasi oo kamid noqon doonaa ciidamada isku dhafka xoogga Dalka Somaliyed.

Munaasibadan ciidamada loogu wareejinayo dowladd Federalka Somalia  oo ka dhacday xerada tababarka ciidamada ee 54-aad waxaa goob jog ka ahaa Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland, Wasiiradu dowlaha Wasaarada Gaashandhiga Qaranka , xildhinaano ka tirsan golaha shacabka Somaliya iyo taliska ciidamka daraawiishta Puntland.

Taliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Genr. Siciid Maxamed Xirsi [ Siciid Dheere] oo sharaxaad ka bixiayay sida loo soo xulay ciidamada kamid noqonaya xooga dalka Somalia ayaa sheegay ina ciidamadani ay maamulkiisa la wareegi doonaan Dowladda Federalka.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Somalia Maxamed Cali Xagaa ayaa cadeeyay in laga gaaray xiliigii shacabka Somaliyed ay yeelan lahayd ciidan xoogleh, si loo soo ciribtiro kooxaha argagixisada dalka ka jira, sidaas darteedna loo baahan yahay in dowlada Somalia ay u istaagto tayaynta ciidamadeeda.

Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiim Cemay oo wareejiyay xogta 2,400-oo askari  ayaa sheegay in dowladda Somalia looga fadhiyo xuquuq-siinta ciimadanka, maadaama ay ka wareegeen Puntland oo ay horay uga tirsanayeen, wuxuuna ciidamada kula dar-daarmay inaysan ka qayb-qaadan dagaal qalbiil ku salayn, balse ay noqdaan kuwo u adeega Qaranka Somaliyed.

Daawo:-