Hot Topics

Xoghayaha cusub Ee Dowlada Hoose Garowe Oo maanta xilkii la wareegay

Waxaa maanta xilkii Xoghayaha Dowladaha hoose ee Garowe lakala wareegay Xoghayihii hore iyo xoghayaha cusub.
 
Xafladan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf ayaa ka qabsoontay hoolka xarunta Dowlada hoose ee Garowe.
 
Xoghayaha maanta xilka wareejiyay Cabdiqaffaar Shiikh Cabdiraxmaan,ayaa maalmo ka hor waxaa shaqo joojin ku sameeyay Duqa Magaalada mudane Goodir oo uu kala dhaxeeyay khilaaf mudo soo jiitamayay.
 
Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland,ayaa shaqo joojintaas kadib waxay maalin ka hor usoo magacawday Maxamuud Cali Gurey in uu noqdo Xoghayaha cusub Dowldaha Hoose ee garowe,kaasoo maanta si rasmiya xilka ula wareegay.
 
Kala soco wararkayaga danbe sawirada iyo muuqaalka xafladaas oo dhamaystiran..