Hot Topics

War deg-deg ah:-Bam Gacmeed lagu weeraray Ciidamada amaanka Bosaso

Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Puntland oo marayay Wadada Netko ee Magaalada Bosaso.
 
Bambkaas lagu tuuray Ciidanka ,ayaa waxaa ku dhaawacmay Sadex Askari iyo laba qof oo shacab ah.
 
Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano, isla markaana samaynaya hawlgalo ay amaanka ku xaqiijinayaan.
 
Bam gacmeedkan,ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo Dowlada, walina uu hakad ku jiro maalinkii 2-aad ganacsiga magaalada Bosaso..