Donald Trump si kulul u weeraray ra’iisal wasaaraha Ingiriiska.

USA- Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku weeraray bogiisa Twitterka ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Theresa May, kadib markay eedaysay  in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.

“Theresa May ha igu mashquulin aniga ee diiradda saar Falalka argagixisada ah ee ka dhacaya Boqortooyada Ingiriiska. anaga waxaan sameyneynaa wax fiican, “ayuu Trump ku soo qoray Twitterka.

 

Madaxwaynayaashii soo maray aqalka Cad oo horay looga bartay in arintan oo kale u wajahaan si hoose, ayaa Trump wuxuu ka doorbidaa inuu adeegsado warbaahinta bulshada si uu u gaarsiiyo dareenkiisa Theresa May.

Madaxwayne Trump ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahisay Jayda Fransen oo ah ku-xigeenka hoggaanka koox British ah oo dhanka midig u janjeera.