Hot Topics

Ra’isalwasaaraha cusub Ee Itoobiya Oo Socdaalkisii Gobolada ku bilaabaya Jigjiga

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Dr Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
 
Dr Abiy ayaa lagu wadaa inuu kullamo la yeesho madaxda gobolka, waxaan sidoo kale uu khubad u jeedin doonaa shacabka.
 
Weriyaha BBC-da ee Jigjiga ayaa kusoo warramaya in raysal wasaaraha uu socdaal ku mari doono sagaalka gobol ee uu ka koobanyahay dalka Itoobiya, taasi oo ka dhigan inuu ahmiyad gaar ah siiyay gobolka Soomaalida oo muddooyinkii dambe ay isku dhacyo kala dhaxeyeen qowmiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo raysal wasaaraha.
 
Raysal wasaare Abiy oo ay wehlin doonaan madax ka socota dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la kulmaan odhayaal dhaqameedyada Soomaalida, si ay uga wadahadlaan xasiiloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.
 
Dr Abiy Ahmed ayaa loo doortay raysal wasaaraha dalka Itoobiya, kadib markii uu iscasilay raysal wasaarihi hore Haile Mariam desalegn oo culeys badan kala kulmayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda oo sanadihii dambe ka dhacayay dalka Itoobiya.
Xigasho BBC.