Hot Topics

Ma dhabaa in Madaxweyne Gaas U gooyay wafuud beesha caalamka ka socota Oo Garowe kusoo wajahnayd?

Madaxweyne dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,oo maalmo ka hor ku gaaray nairobi safar aan horay loo sii shaacin,ayaa warar kala duwna kasoo baxayaan socdaalkiisaa.
 
Wararr lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee Madaxweyne Gaas Nairobi u aaday ay tahay diidmo uu diidan yahay wafuud beesha caalamka ka socota oo qorshaynayay in ay wada hadal ka furaan colaada Puntland iyo Somaliland.
 
Waftiga beesha caalamka ka socda ee imaan lahaa garowe, ayaa qorshahooda la kulanka Madaxweyne Gaas iyo reer Puntland kadibna waxaa qorshahoodu ahaa in ay ugudbaan Hargaysa si ay dhankooda ula soo kulmaan madaxda maamulka Somaliland.
 
Socdaalkaas ayaa hada dib loo dhigay kadib markii Madaxweyne Gaas ka cudur daartay safarna ugu soo baxay Nairobi.
 
Wafuud ka socotay beesha caalamka oo horay ubooqatay Somaliland si ay ugala hadlaan qabsashadeeda Tukaraq,ayaa ku guul daraystay qorshihii ay halkaa utageen ee ahaa in Somaliland ay ku qanciyaan in ay dib ula soo laabato ciidamadeeda iyo in ay kala soo baxdo deegaamada cusub ee ay qabsatay,
 
Somalialnd ayaa wafuudii beesha caalamka si cad ugu sheegtay in aysan wax gorgortan ah ka galayn dhulkeeda.
 
Madaxweyne Gaas oo ah Nin dabacsan go’aankiisuna uusan fadhiyin waxuu ku dhici waayay sida masuuuliyiinta Somaliland in uu gaashaanka udaruuro qorshaha beesha caalamka ee ku aadan xaalada Sool.
 
Inkastoo aysan madaxtooyada Puntland si waadixa ushaacin socdaalka Madaxweyne Gaas ee nairobi,hadana waxaa warar hooseoo ay idil news u heshay sheegeen in uu ku salaysnaa dabagalka iyo dardargalinta dhsimaha wada Gaalkacyo ilaa Garowe oo habac iyo dib u dhac weyn soo food saaray dhismaheedii.