Boqor Buurmadow Oo lasii daayay goor dhawayd

Warar naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland,ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku jiray xabsi.
 
Taliyaha Booliska Maamulka Somaliland maalin ka hor warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow uu ku kacay fal lid ku ah Qaranimada Somaliland sidaasina lagu xiray maxkamadna la soo taagi doono si loogu qaado danbiga lagu soo oogay.
 
Xariga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla markaana xarigiisa ku tilmaameen mid sharci daro ah.
 
Maamuladii soo maray Somaliland ayaa hore dhowr jeer u xirey Boqor Buur-Madow