Dagaalka dhacay Caawa Magaalada Muqdisho

Dagaal ayaa ka dhacay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan dowladda ku leeyihiin agagaarka halka loo yaqaano Sargaduuda ee Xaafada Xamar Jadiid.
 
Dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac ay iswaydaar sanayeen ayaa laga maqlayay aagaas, waxaana weerarka uu ahaa mid bambaanoooyinka gacanta laga tuuro ku bilawday. markii hore.
 
Xaalada goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa Degan, mana jirto ilaa iyo hada khasaare la xaqiijiyay oo goobtaas ka dhacay,waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya.
 
Laamaha amaanka dowlada fadaraalka ayaan wali ka hadlin dagaalkan.