Hubkii Laga Bililiqeystay Xeradii Imaaraadka Ee Gen,Golden Oo Muqdisho Lagu Kala Iibsanayo

Qeybo ka mid ah muqdisho waxaa lagu kala iibsanayaa hubkii ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ugu talo gashay dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawaan uu Saraakiisheedii tababaraasha ahaa kala baxday Soomaaliya.
 
Sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee Reuters Hubkaan oo u badan qorayaha fudud ayaa ka mid ah Hub maalma kahor laga bililiqeystay xerada Imaaraadka uu ciidamada ku tababari jirtay ee Gen,Golden oo ku taalla degmada hodan ee Gobolkan Banaadir.
 
Sawirro ay Reuters soo bandhigtay ayaa muujinayay Hubka oo ah Qoriga loo yaqaano AK47,isla markaana la sheegay in suuq Madoow lagu kala iibsanayo.
 
Arrintaan ayaa daba socotay kadib markii todobaadkii hore la shaaciyey in la Ciidamo ka tirsan dowladda ay bililiqeysteen Hubkii yaallay Xarunta tababarka Imaaraadka ee Muqdisho balse ay warkaasi beeniyeen Saraakiisha taliska xoogga dalka Soomaaliya.
 
Sidoo kale laba maalin ka hor ayaa waxaa dagaal uu ka dhacay Gudajha xerada kadib markii laga hortegay Ciidamo doonayay in ay jabsadaan Bakhaaradaha Hubka ee Xerada Gen,Golden balse Ciidamo kale taasi ay diideen,waxana taliyaha xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod uu sheegay in gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah Ciidamadii rabshadaas ka dambeeysay.
 
Xigasho Reuters