Itoobiya Oo ku baaqday in AMISOM aysan ka bixin Somaliya

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya Meles Alem, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in howlgalka nabad ilaalinta caalamiga ee midowga Afrika uu sii joogo Somalia.
 
Afhayeenka oo wariyayaasha la hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgalka loo baahanyahay inuu sii joogo Somalia ilaa laga wiiqayo awoodda Al-Shabaab.
 
Midowga ayaa ku dhawaaqayay qorshe lagu dhimayo ciidamada AMISOM taasoo ugu dambeyn keeneysa in ciidamada AMISOM ay guud ahaan isaga baxaan dalka mas’uuliyadda amnigana ay ku wareejiyaan ciidamada Somalia.
 
Meles Alem, ayaa sheegay in loo baahanyahay in Al-Shabaab cagta la mariyo aadna loo wiiqo, ciidamada AMISOM ay sii joogaan Somalia ilaa Al-Shabaab laga dhigayo kuwo aan qatar badan lahayn.