Gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo mamnuucay korjoogtada

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen inaan loo baahneyn xubno korjoogto ka noqonaya Doorashada lagu balansan yahay in ay dhacdo Isniinta, 30-ka bishan April.
 
Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka ayaa sababta arrintan ay ku timid waxa uu ku sheegay in aysan muhiim aheyn dad badan oo hadana aanay muuqan waxqabadkooda.
 
Wuxuu sheegay Doorashadan in ay ka qeyb galayaan Xubnaha Baarlamaanka oo codeynaya, wuxuuna tilmaamay Musharax walba in loo gol yahay keliya Hal qof oo codadka u tiriya.
 
Sidoo kale Nuur Iidow Bayle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in si cadaalad ah ay ku qabsoonto Doorashada, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in ay la kulmeen Musharaxiinta, kalana hadleen in dhammaan la wada ilaaliyo nidaamka Doorashada.
 
“Ujeedka aan u sameynayn arrintan ayaa waxa ay tahay inaan loo dhaxeynin Baarlamaanka iyo Musharaxiinta, keliya waxaan Musharax walba u ogolnahay Hal qof oo codadka u tiriya, dhammaan Musharaxiinta waan la kulanay waxaan u sheegnay in Doorashada ay ku dhaceys qaab cadaalad ah, iyaguna aad ayay noogu kalsoon yihiin.” Ayuu yiri Nuur Iidow.