Rasaas lagu furay Dad dibadbaxyo dhigay Magaalada Burco

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada Burco,kuwaas oo ka careysan xukunkii shalay maxkamada gobolka Maroodi jeex ay ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ahaa Madax dhaqameedyada Somaliland.
 
Maxkamada ayaa boqor Buur-madow ku riday shan sano oo xabsi ah.
 
Dadka dibaxa dhigayay ayaa dalbanayay in xabsiga laga saaro Boqor Buur-madow oo horay ciidamada Booliiska Somaliland ay ku eedeeyeen, in uu jeediyay hadal dhaawaca ah ku ah madax banaanida Somaliland.
 
Ciidamada Booliiska Somaliland ee magaalada Burco ayaa rasaas ku furay dadkii dibadbaxa dhigayay,iaydoo ugu danbayntii dadkii dibad baxa dhigayay xoog lagu kala eryay.