Video:-Wasiir Yaasiin Seed Oo fariin adag Udiray Baarlamaanka fadaraalka ah

Xildhibaan hore hadana ah Wasiiru dowlaha Waxbarashada Puntland Yaasiin Cabdi Seed oo xalay qayb ka ahaa madaxdii ka hadashay daahfurida wajiga labaad mashaariicda horumarineed ee Imaaraadku ka fulinayo Puntland,ayaa fariin udiray Baarlamaanka Fadaraalka.

Wasiir Seed waxuu yiri”Shirkada maamusha Dekeda Muqdisho Baarlamaanka Fadaraalku waxuu ku amray in ay dalka ka baxdo,balse nasiib daro kama bixin dalka amarkii Baarlamaankana waa iska dhaga tirtay ilaa maanta waxay joogtaa dalka oo maamushaa Dekeda,iyadoon baarlamaanka soo marin.”

Wasiir Seed oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri”Sidoo kale shirkada dhistay oo maamusha Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa lagu amray in ay joojiso shaqada ay hayso maadaama aysan si sharciya dalka ku imaan hawlaha ay wadana aan laga warqabin,iyaduna dhagaha ayay ka furaysatay amarkii Baarlamaanka waana sii shaqaysaa ilaa iyo maanta”..

Qolada xamarow inta aydaan usoo gudbin Puntland iyo qaybaha kale ee dalka meesha aad joogtaan horta dowladnimada gaarsiiya musuqa iyo maamul xumada ka jirtana saxa,ayuu hadalkiisii kusoo gabagabeeyay Wasiir Seed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka