Dhagayso:-Dowlada Kanada Oo Ugu deeqday Somaliya 18-milyan Oo Dolar

Dawladda Kanada ayaa ugu deeqdey Soomaaliya lacag gargaar ah oo wadarteedu dhantahay 18 Million oo dollar, oo loogu talogalay dadka abaarta iyo roobabku saameeyeen ee danyarta ah.

“Barnaamijkan waa barnaamij aad u muhiim u ahaa waa barnaamij ku saabsan dowlada Canada oo ugu deeqday dadka Soomaaliyeed oo dhibaateysan 18 milyan oo dollar oo loogu talo galay 5 milyan oo dad soomaaliyeed oo soomaliya ku dhax nool oo u baahan cunto u baahan daawooyin u baahan biyo iyo ciyaalka in laga caawiyo xaga wax barashada lacagtaan waa lacag aad u muhiim u ah waxaana saa’id ku sii ah 1 milyan oo Soomaali qaxooti ah oo wadanka banaankiisa ku nool, Kenya iyo Ethiopia ku nool iyagana macaawino ayaa u socota sanadkii la soo dhaafayna dowlada Canada 29 milyan ayeey ku gargaartay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaalanto abaartii ku dhufatay Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah” ayuu yiri Axmed Xuseen.

Wasiir Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiin tahay in aan la sugin inta ay masiibooyinka ku dhufanayaan dadka iyo dalka soomaaliyeed lacagtana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gaari doonto gacanta soomaalida si buu yiri wax looga qabto dhibaatooyinka jira,hoos ka dhagaysoc odka.

Halkan ka dhagayso codka warka