Hot Topics

Video:-Madaxweyne Gaas Oo si weyn loogu soo dhaweeyay Bosaso

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Bosaso,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland,masuuliyiinka Gobolka Bari.iyo dadweyne aad ufara badan.

Madaxweyne Gaas ayaa ka warbixiyay safarkisii dalka imaaraadka carabta waxuuna sheegay in arimihii uu u tagay dalkaas ee kala ahaa arimaha amaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha in ay guul ugu sood hamaadeen.

”Imaaraadku waa dal iyo dad aan walaalo nahay oo si walba iskugu xiranahay sinaan aanan ukala maarmin si walba oo uu xaalku yahayna wa ain laga gudbaa oo layska afgartaa caqabadaha yimaada”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa baaq ka diray fatahaada Wabiga Shabelle isagoo ku hadlaya magaca madasha hogaamiyyaasha dowladaha xubnaha ka ah dwolada fadaraalka.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa hanbalyo udiray Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka loo doortay.

”Waxaan leenahay Gudoomiiyaha la doortay noqo mid baarlamaanka si hufan u hogaamiya waana uducaynaynaa”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale waxuu Tacsi udiray Saraakiishii qaraxa lagu dilay ee Gaalkacyo.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka