Hot Topics

Warbixin:-Muhiimada Uu leeyahay xiriirka Soomaaliya-Imaaraadka iyo doorka badbaadinta Ee Madaxweyne Gaas

Muhiimada uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo doorka badbaadinta ee Madaxweyne Gaas”

Madaxweyne Gaas ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii loo soo celin lahaa. xiriirkaas muhiimka u ah Somaliya,waxuuna todobaadkan u baqoolay dalka Imaaraadka Carabta si uu iskugu dayo in uu ka dhaadhiciyo masuuliyiinta dalkaas in aysanaku deg-degin khilaaf xoog leh oo kala dhexgala labada dhinac.

Madaxweyne Gaas ayaa qaatay door shariif ah oo dhex-dhexaadin ah ,waxayna ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo sheegeen in uu ku guulaystay ka dhaadhicinta masuuliyiinta imaaraadka dhex-dhexaadin uu kaa dhex sameeyo dowlada Fadaraalka Somaliya iyo dowlada Imaaraadka Carabta,sidoo kale Madaxweyne Gaas ayay ka aqbaleen masuuliyiinta dalkaas in aysan fogaansho umuujin shacabka Somaliyed,iyagoo ka duulaya isfahan waga soo kala dhexgalay madaxda xiligan hogaamisa dowlada fadaraalka Somaliay ee Villa Somaliya fadhida.

Madaxweyne Gaas ayaa usheegay madaxda dalka Imaaraadka Carabta in Somaliya aysan ahayn Muqdisho oo kaliya ee ay Somaliya balaaran tahay guud ahaan dalkana ay ka jiro jawi tixgalin ah oo loo hayo dowlada iyo shacabka Imaaraadka Carabta.

Hoos ka daawo warbixin cilmiyeysan oo aan ku dhisnayn laab la kac oo uu diyaariyay wariye Shiine Culey……