Video:-Nabad iyo Nolol oo helay Gudoomiye Baarlamaan oo gacantooda midig ah

Xildhiban Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya.
 
Maxamed Mursal, oo ahaa waasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, oo uu iska casilay toddobaadkii tagey, ayaa ka adkaaday musharaxiin dhowr ah oo xilkaas kula tartameysay.
 
Wuxuu wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow.
 
Maxamed Mursal ayaa wareeggii labaad helay 147 cod, halka Ibraahim Isaaq Yarow uu ka helay 118 cod. Waxaa codeeyey 265 xildhibaan.
 
Maxamed Mursal ayaa beddelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo xilka afhayeenka baarlamaanka iska casilay 12-kii April.
 
Gudoomiyaha la doortay ayaa ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ka hor intuusan is acsilin maalin ka hor,sidoo kale waxuu soo noqday Safiirkii Somaliya ee dalka Turky.
 
Mursal ayaa lagu tilmaamaa shaqsi u dhaga fudud kooxda Nabad iyo Nolol.
 
Maxamed Mursalayaa sidoo kale lagu eedayaa mudadii uu hayya xilka Safiirnimo ee Turkiga in uu musqmaasuqay Deeqo waxbarasho oo Arday Somaliyed loogud eeqay,isla markaana lacag madax furasho ah ka qaadan jiray dhalinyrada tahriibka lagu qabto ee lagu xir xiro xabsiyada Dalkaas,
 
Doorashadiisa ayaa loo arkaa in kooxda Nabad iyo Nolol la baxday ee uu hogaamiyo Fahad Yaasiin ay heleen shaqsigii ay ubaahnayeen sidoo kale ay gacanta u gashay awood kale oo muhiim u ah dowladnimada Somaliya.
 
Dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa ku tilmaamay doorashada Mursal niyad jabkii ugu weynaa ee soo wajaha qaranimada dalka.
Doorashadan ayaa kooxda Nabad iyo Nolol waxaa uga baxay dhaqaale xoog leh oo gaaraya malaayiin dolar,

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka