Video:-Ciyaartooy Albiirtarihii Ciyaarta dhexdhexaadinayay weerar ku qaaday

Garsoore dhex dhexaadinayay labo kooxood oo ku ciyaarayay shalay garoonka Addis Ababa ayaa naftiisa halis gashay kadib markii kooxda Welwalo Adigrat University oo gool la haleyd lagu ansixiyay goal barbaro ah oo ay keensadeen kooxda madasha ciidamada milateriga Itoobiya.
 
Goolka muranka dhaliyay ayaa iska dhaliyay difaaca Welwalo Adigrat, waxaana markaasi ay ciyaartoydii kooxda ku xoomeen garsoorihii oo siday feer iyo laad ugu wadeen ka saaray garoonka iyagoo dhulka ku jiiday.
 
Xiisaddan ayaa waxay dhalisay inay soo farageliyaan ciidamadii amaanka garoonka ku sugnaa.
 
Xiriirka kubadda cagta Itoobiya ayaa si kmg ah u joojiyay ciyaaraha dalkaasi iyadoo guddiga anshaxa ay la kulmii doonaan 16 kooxeed ee dalkaasi ka dhisan.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka