Madaafiic lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in tiro Madaafiic ah lagu soo tuuray xaafado katirsan Degmada warta nabada .
 
Madaafiicda ayaa ku soo dhacey Isgoyska Cali Kamiin, Xerada Ciidamada xasilinta ay degan yihiin ee Xarunta Xisbiga ,iyo Agagaarka Isgoyska Ifka Xalane.
 
Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu khasaare soo gaaray dad isku qoys ahaa kuwaas oo dhaawacooda lageeyay Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.
 
Majirto ilaa iyo hada cidka ka hadashay Weerarkan madaafiicda ah ,balse inta badan Weerarada noocan oo kale ayaa waxaa looga bartay Ururka Al-shabaab .
 
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ilaa iyo hada kama aysan hadlin Weerarkan. waxayn arintan ay ku soo beegmaysaa isyadoo shalay la howlgaliyay Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho.