Hot Topics

Video:-Muuse Biixi Oo jilciyay luuqadii Uu kula hadli jiray Puntland dagaalkii Tukaraq kadib

Muuse Biixi Cabdi horjoogaha maamulka Jeegaanta ee Hargaysa,ayaa badalay luuqadii uu u isticmaali jiray marka uu ka hadlayo dagaalka Sool.
 
Muuse oo xiliyadii ee ka horeeyay dagaalkii udanbeeyay ee Tukaraq u hadli jiray si macagagnimo iyo axmaqnaimo ku fadhida,ayaa hada badalay luuqadaas.
 
Isagoo ka hadlayay xaflad,ayaa mar qura waxaa la arkay Muuse oo leh.”Waxaad tihiin Gob xariir ah oo nasab ah,garowe uma socono”.
 
Erayadan,ayaa la yaab ku noqday Dadka madaama Muuse lagu yaqaanay Nin ku tookha hadalo ay ka mid ahaayeen”Soo waraysta awoowayaashiin waxaan iidnku dhignay iyo garowe ayaa lagu murmi doonaa hadaad xabad soo ridaan”.
 
Hoos ka daawo muuqaalka Muuse oo luuqadii badalay hadalkana jilciyay kadib dharbaaxadii kululayd ee ay ku dhufteen 15-kii bisha Ciidamada Difaaca Puntland Maleeshiyaadkiisa.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka