Hot Topics

Video:-Madaxweyne Camey oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Buuhoodle

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Buuhoodle.
 
Waftiga Madaxweynaha waxaa si weyn usoo dhaweeyay kagana hor tagay duleedka Magaalada,masuulyiinta Gobolka Cayn,Saraakiisha Ciidanka,Isimada iyo qaybaha bulshada.
 
Camey ayaa Dadka kula hadlay meel fagaare ah waxuuna u sheegay in uu u yimid Cayn qorshaha dib u xoraynta Sool ee ay ku hawl jiraan Ciidamada difaaca Puntland.
 
Camey waxaa la filayaa in uu sial caawa kulan xasaasiya la qaato waxgaradka Gobolka,kaasoo ku aadan sidii reer Cayn ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlaglka socda.
 
Guud ahaan Puntland waxaa si xawliya uga socda garab istaaga Ciidamada difaaca ,hoos ka daawo muuqaalka sida maqaabka sare leh ee loogu soo dhaweeyay Madaxwyne Camey xarunta Gobolka Cayn ee Buuhoodle.
 
 
 
 
 
 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka