Shariif Xasan iyo Waare oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxdan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle.
 
Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xasan,ayaa mudada ay joogeen magaalada Nayrobi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah ururada caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira dib U dhiska iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo deegaamadaas.
 
Labada madaxweyne sidoo kale intay joogeen Nayrobi waxay isku arkeen Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka ah,iyadoo wararka laga helayo kulankaas ay sheegayaan in uu ksuoo idlaaday is afagaran waa.
 
Maalmaha Soo Socda ayaa Lagu Wadaa in labada Madaxweyne ay garaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
 
Baydhabo ayaa la qorshaynayaa in uu ka qabsoomo shirka golaha Amniga Qaranka.
 
Shirkaas ayaa waxaa ka qayb galaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Dowladda Federaalka Somaliya